QAABKA CASHARADA DUGSIGA
Halkan ka akhriso faah-faahin dheerad ah, oo la xidhiidha Qaabka Casharada Dugsiga lagu barto
Maalmaha Shaqada
Dugsigu wuxuu kuu furan yahay maalmaha:
✔️ Sabti
✔️ Axad
✔️ Isniin
✔️ Talaado
✔️ Arbaco
WAQTIGA XIISADA
Casharada Dugsiga waxaad qaadanaysaa Waqtiga iyo maalinka adiga kuugu haboon ee aad jaaniska leedahay, Hadii ardayga hawl ku timaado Waqtiga casharka waa loo bedeli karaa Waqtiga.
QAABKA XIISADA LOO DHIGANAYO:
- QAABKA 1: ARDAYGA JAANISKA HELI KARA
- QAABKA 2: ARDAYGA JAANISKU KU YAR-YAHAY
Ardayga heli Kara Waqti iyo maalmo uu Jaanis leeyahay si uu casharada u qaato wuxuu samaysan Doonaa Skype, Ka dib Marka ay gaadho Waqtiga uu jaaniska lahaa waxa si toos ah u soo wacayaa macalinka ka dib casharka ayaa si toos ah ugu bilaabmaya, wuxuuna casharka ka qaadan karaa SKYPE.
Ardayga aan helayn waqti uu casharka si toos ah u soo galo, Waxa casharada loogu soo dirayaa WhatsAppka ka dib markuu casharka soo diyaariyo wuxuu ku soo duubayaa WhatsAppka cod ahaan, Waqtiga uu jaaniska helo, ka dibna macalinku codkaaga ayuu dhagaysan si uu kaaga hubiyo hadii aad saxdayna waxaad heli doontaa isla markaas casharka ku xiga.
Apps- Halkan kala soo dag
"Applications-ka casharada Dugsiga lagu qaato waa kuwa hoos ku xusan, Waxaad kula soo dagi kartaa Smart Phone/iPad/Tablet/PC midka aad haysato, Adigoo taabanaya Link-ga hoose"
Casharada dugsiga Abraar Online Academy waxa lagu bartaa SKYPE,
Marka aad la soo degto App-ka SKYPE, Waxaad ka raadisaa qaybtaa Search (Dadka laga raadiyo) cinwaanka dugsiga waxaadna ku qortaa Emailkan hoos ku xusan.
Email: Abraar136@gmail.com
Ama Link-gan taabo si toos ah ayuu kuu geynayaa Account Dugsiga Abraar ee Skype-ka.
https://join.skype.com/invite/dhPVYUT5atyj
Si aad Ula soo degto Application-ka SKYPE Calaamadan taabo ama Guji.
Add Zoom
- Download Link (Applicable for Phone & PC)
- Link to Joint the School:
si aad Ula soo degto Application-ka ZOOM Calaamadan taabo ama Guji.
