DURUUS DIINIYA (ISLAMIC STUDIES)

DURUUS DIINIYA (ISLAMIC STUDIES)

Machadka Abraar wuxuu ardayga u raacinayaa Darsiga Quraanka Duruus kale oo diini ah sida: Tarbiyada islaamka, Ducooyinka, Xadiiska, Fiqiga iyo Luuqada Carabiga, Iyadoo ardayga loogu dhigayo habka ugu fudud casharka ku munaasibka ah ee uu fahmi karo.

Machadka Abraar wuxuu u diyaariyay ardayda manhaj iyo duruus islaamiya oo kala duwan oo iskugu jira bilaw iyo dhexdhexaad, Kuwaa soo loogu tala galay in lagu garab wado xiisadaha Quraanka si ardaygu uu u noqdo arday dhisan oo wax-badan ka yaqaan qaybaha kala duwan ee Shareecada Islaamka.

Waxa ka mida duruusta ardayga loo dhigi doono

Ducooyin  الدعاءArdayga waxaa loo dhigaa Kutubta Adkar, waxaana ardayga baraa dhamaan ducooyinka uu qofka muslimka ahi isku xifdiyo.

Tarbiyada islaamka التربية الاسلاميةWaxa la baraa ardayga Aasasiyaadka Diinta Islaamka iyo aadaabta qofka muslimka ah.

Caqiidada  العقيدةMaadada waxa ardayga loo dhiga kutubta la xidhiidha rumaynta qofka muslimka ah (Faith/Believe).

Xadiiska   الحديثWaxa ardayga loo dhigaa kutubta axaadiista nabiga SCW, Si Nidaami, Waxaana ardayga loo dhigaa kitaabka ku munaasibka ah Marxaldiisa (Level), waxaana loogu dhigaa si Manhaji ah.

Siirada Nabiga SCW   سيرة الرسولSiirada oo ah Taariikh nololeedka nabi muxammad SCW, Waxa ardayga loo dhigaa kutubta Siirada.

Fiqiga  الفقه: Ardayga waxa loo dhigaa kutubta fiqiga ah, waxaana looga bilaaba kolba halka uu marayo, Darsiga Fiqigu wuxuu ardayga ka caawinayaa inuu Barto Axkaamta sida XALAAL IYO XAARAAM (Waxa qofka u banana iyo Waxa aan u baanayn).

Qaybta ardayda bilowga ku ah Barashada Duruusta Diiniga ah waxay maraan marxalado kala duwan sidan soo socota:

1-Marxalada barbaarinta EE –  1

2- Marxalada barbaarinta EE – 2

3- Duruusta Marxalada  — 1

4- Duruusta Marxalada  — 2

5- Duruusta Marxalada  — 3

6- Duruusta Marxalada  — 4

7- Duruusta Marxalada  — 5

8- Marxalada Gunaanadka ( Kutub sare iyo Wacyiga diimeed oo kor loosii qaadayo  )

ARDAYDA DUGSIGA
+
MACALIMIINTA
+
ARDAYDA DHAMAYSAY
+

FEEGA DUGSIGA - BISHII ( 1 ARDAY)

$ 30

Normal Bundle

✔️ 1 week oo bilash ah tijaabi
✔️ Dooro Waqtiga Kugu Haboon
✔️ Macalimiin Aqoon leh
✔️ Ku Baro Gurigaaga
HADDA IS-QOR

$ 50

Special Bundle

✔️ 1 week oo bilash ah tijaabi
✔️ Dooro Waqtiga Kugu Haboon
✔️ Macalimiin Aqoon leh
✔️ Ku Baro Gurigaaga
HADDA IS-QOR